Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Siinka Dheer ee Duleedka Muqdisho


Qarax
Qarax

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen qarax gaari oomaanta ka dhacay kantoroolka siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa dhacay ka dib markii ciidamada booliska Somalia oo halkaa ku sugnaa ay ka shakiyeen gaari ku sii jeeday muqdisho, kaasoo markii ay joojiyeen wadahii uu isqarxiyay.

Saraakiisha Nabad sugidda dowladda ayaa sheegay in gaarigaasi ay daba socdeen kuna soo wargeliyeen ciidamada booliska ee siinka dheer .

Gaarigan ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday magaalada Muqdisho waxaana qaraxiisa uu ku soo beegmay iyadoo magaalada ay ka socotay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi.

XS
SM
MD
LG