Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Howlgal ka Dhan ah Al-Shabaab oo ka Dhacay J/Hoose


Ciidamada Kenya
Ciidamada Kenya

Ciidamada amniga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa maanta hawlgal ka sameeyey deegaan ku yaalla dhinaca waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo.

AMISOM ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo lagu soo qabtay toddoba ka tirsan mintiidinta, islamarkaana lagu burburiyey goob lagu sameeyo waxyaabaha qarxa sida ay sheegtay AMISOM.

AMISOM waxay kale oo ay ku sheegtay barteeda twitter-ka inay la wareegeen hub isugu jira rasaas iyo hub kaleba.

Dhinaca kalena ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay soo qaadeen ciidamo iskugu jira Kenyan iyo Maraykan, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen sida ay sheegeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Al-Shabab ayaa sheegatay in miino lagu aasay dhulka ay burburisay baabuur nooca beebaha ah.

Ilaa hadda ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijin karta khasaaraha ka dhashay iska horimaadka maanta dhacay.

XS
SM
MD
LG