Isku xirrada

War Deg-Deg ah

10 Qof oo Ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Goof-Gaduud


Shabaab
Shabaab

In ka badan 10 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaallo maanta duleedka magaalada Baydhaba ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Somalia iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa billowday markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fariisimo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Goof-Gaduud ee gobolka Baay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa guulo ka sheegtay dagaalka maanta, halka kooxda Al-Shabaab aysan weli wax war ah kasoo saarin.

Warbixintan waxaa Baydhaba ka soo diray Mukhtar Maxamed Catoosh.

Dagaal ka dhacay Goof-Gaduud
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:02 0:00

XS
SM
MD
LG