Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Natiijada Doorashada Ghana oo Maanta La Shaacinayo


Les panneaux de campagne de deux principaux candidats de l’élection présidentielle, le président sortant John Dramani Mahama et l’opposant Nana Addo, placés côte-à-côte sur une rue à Accra, Ghana, 3 décembre 2016.
Les panneaux de campagne de deux principaux candidats de l’élection présidentielle, le président sortant John Dramani Mahama et l’opposant Nana Addo, placés côte-à-côte sur une rue à Accra, Ghana, 3 décembre 2016.

Afhayeen u hadlay guddida doorashada ee dalka Ghana ayaa sheegay in guddigu ay maanta bilaabi doonaan sii daynta natiijada doorashadii madaxweynaha iyo tii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday, waxayna ku baaqeen in xaaladda la dejiyo.

Eric Dzakpasu, afhayeenka guddida doorashada wuxuu ka falcelinayey faallooyin ka yimi xisbiga Mucaaradka ugu weyn ee NPP kuwaas oo guddida doorashada ku booriyey inay dhakhso u sii daayaan natiijada, iyada Mucaaradku ay sheegeen in dib u dhac kasta oo natiijada ku yimaadda uu abuuri karo shaki iyo inay gacma-gacmayni jiri karto.

Koox Computer-ada Jabsata ayaa bartilmaameedsaday websiteka Guddida Doorashada Ghana ka hor xilliga loo asteeyey in natiijada la sii daayo, taas oo ah doorasho aad loogu tartamay isla markaana natiijadu aad isugu dhowdahay.

Guddida ayaa arrintan soo dhigay bartooda Twitter, iyaga oo sheegay in weerar loo geystay website-kooda inay sababtay inuu saacado kooban hawada ka maqnaado.

Inkasta oo haatan xaaladdu deggan tahay, haddana waxaa jira xiisado kala duwan oo isa-soo taraya, ka dib markii xisbiga mucaaradka ugu weyn ee NPP ay ku booriyeen madaxweynaha xilka haatan yahay John Dramani Mahama inuu qirto in laga guulaystay, ka dib markii mucaaradku ay isu geysteen tirooyinka ay ka helayeen goobaha codbixinta oo ay ka dhex arkeen inay guul helayaan.

Madaxweynaha haatan wakhtigiisu dhamaaday ee John Mahama ayaa raadinaya in marlabaad la soo doorto, halka uu la tartamayo hoggaamiyaha mucaaradka oo afar sano ka hor uu si weyn uga adkaaday.

Akufo Addo, hoggaamiyaha mucaaradka ayaa hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Debedda ee dalkaas, wuxuuna ololihiisa doorashada ku galay inuu wax ka qabanayo dhaqaalaha dalkaas ee liicliicaya, isaga oo ku eedeeyey Madaxweyne Mahama iyo xisbigiisu inay waxba ka qaban kari waayeen.

Dalka Ghana ayaa ah dal si weyn ugu tiirsan dhoofinta saliidda, dahabka iyo geedka Kookaha oo waxyaabo badan laga sameeyo. Hase ahaatee afar sano oo uu xafiiska joogay madaxweyne Mahama waxaa soo foodsaaray hoos u dhac dhinaca saliidda ah oo hoor u dhigay dakhligii dawladda isla markaana sii kordhiyey sicirbararka.

Ghana ayaa sannado badan ku naaloonaysay inay ahayd goob sumcad xooggan ku leh is-xukunka dimoqraadiyadda ee qaaradda Afrika, hase ahaatee ololaha sannadkan ayaa debedda soo dhigay eedo badan oo la xidhiidha handadaad dhinaca codbixinta ah iyo walaac badan oo laga muujiyey guddida doorashada ee dalkaas.

XS
SM
MD
LG