Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Lagu Eedeeyey Dilal Sharci Darro Ah


Muslimiinta Kenya
Muslimiinta Kenya

Urur aan dowli ahayn oo lagu magacaabo Haki Afrika ayaa ku eedeeyey ciidamada ammaanka Kenya inay fuliyeen tobaneeyo dilal aan sharci ahayn oo ay u geysteen dad la waayey intii u dhaxeysay 2012 illaa 2016.

Warbixin uu soo saaray ururkan oo cinwaan looga dhigay “Maxaan u sheegnaa qoysaska” ayaa faahfaahin ka bixiysay maqnaanshaha 81 qof oo la waayey shanti sano ee lasoo dhaafay.

Tiradan waxaa ku jiray 22 dil oo ka dhashay awood xad dhaaf ah oo ay adeegsadeen ciidamada booliiska, afar dhimasho oo ka dhacay xabsiyo, 31 kiis oo dilal sharci darro ah oo booliiska ay fuliyeen, iyo 24 qof oo la waayey.

Warbixinta waxay si gaar ah diiradda u saarty gobolka xeebta Kenya ee muslimiinta ay ku badan yihiin oo inta badan dilalkan ay ka dhaceen.

Agaasimaha Haki Afrika Hussein Khalid ayaa sheegay in ciidamada la dagaalanka argagixisada ee Kenya ay ku lug leeyihiin kiisaskan.

“Dhibanayaasha badankood waa dad dhallinyar, waxaa ku jira Imaamyo, Sheekhyaal, Daaciyaal. Waxayna wadaagaan in dhammaantood ay yihiin muslimiin” ayuu yiri Hussein Khalid.

Warbixinta ayaa ku eedeysay mas’uuliyiinta dowladda Kenya inay ku guul darreysteen baaritaan sax ah ku sameeyaan dadkan la dilay ama la waayey.

XS
SM
MD
LG