Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ilhan Omar oo Sheegtay in La Handadey


Ilhan Omar
Ilhan Omar

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortey aqalka wakiilada ee gobolka Minnesota, islamarkaasna noqotey haweeneydi ugu horeysay oo Soomaali iyo Muslim-ba ah ee sharci dajinta Mareykanka ka mid noqota ayaa waxaa handadey Arbacadii shaley wadihi taksi ay ka raacdey magaaladan Washington ee caasimada dalka Mareykanka.

Sida ay Ilhaan ku qortey boggeeda Facebook, waxaa ay sheegtey in ay la kulantey Islaam naceyb uu ku sameeyey wadihi taksi ay u isticmaaleysay in hotelka ay daganeyd ay ku tagto.

Ilhaan, ayaa Aqalka Cad kaga qeyb gashay kulan ku saabsanaa inay wax ka barato sida ay gobollada u dhaqan galin karaan siyaasadaha qaar, oo ay sheegtay inay xiiso gaar ah u qabtay.

Sida ay sheegteyna, waxaa uu ku sheegey in ay ka mid tahay ISIS, wuxuuna ku dhaartey in uu xijaabka ka qaadayo.

Ilhan Cumar ayaa dalkan ku timd 12 jir, waxaana ay sheegtey in ay dhacdadan wali ka naxsantahay.

XS
SM
MD
LG