Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhalinyaro Muqdisho ka Bilaabay Wacyigelinta Nabada


Abdifatah Faisal Huesein
Abdifatah Faisal Huesein

Ururka Dhalinyarada ee Dhaqdhaqaaqa Kacdoonka Qabyaalad diidka waa urur ay sameeyeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay London, hase yeeshee tan iyo sanadki hore waxay howlo wacyi gelin dhinaa bulshada ah, gaar ahaan dhalinyarada ay ka wadeen qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Todobaadkaan waxay magaalada Muqdisho ka sameeyeen wacyi gelin dhinaca nabada oo ay ku beegsadeen dhalinyarada wax ka barta jaamacadaha oo ay kala hadleen qiimaha nabada ay u leedahay bulshada gaar ahaan dhalinyarada.

Wariyaheena Nur Hassan Nur Bukhaari ayaa qadka telefoonka Muqdisho kulaxiriiray Cabdifatah Feysal Xuseen oo ka mid ah Dhaqdhaqaaqa Kacdoonka Qabyaalad Diidka, waxana uu ugu horeyn weydiiyey kulanki wacyigelinta ee ay la yeesheen qaar ka mid ah dhalinyarada Magaalada Muqdisho.

Halkaan ka dhageyso wareeysiga Abdifatah Feysal.
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:37 0:00

XS
SM
MD
LG