Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Shir Looga Hadlayo Doorashooyinka oo Furmay


Doorashada Somaliland
Doorashada Somaliland

Shir lagu lafa gurayo geedi socodka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah hanaanka doorashada, caqabadaha ku gedaaman iyo waxayaabaha keena inay si isdaba joog ah dib ugu dhacaan.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galaya daneeyayaasha doorashooyinkaasi sida xisbiyada siyaasadda, wakiilada dawladaha maalgaliya doorashooyinka, bulshada rayidka ah iyo aqoonyahano ka kala socda ilaa 22 jaamacadood.

Shirkan oo socon doona mudo labada maalmood ah isla markaana ay soo qaban qaabisay dallada ay ku midoobeen ururada bulshada rayidka ah ee loo yaqaan SONSAF ayaa wariyaha VOA ee Hargeysa CabdiXakiim Maxamuud Shirwac uu ka waraystay Agaasimaha dalladan Maxamed Axmed Barawaani.

Shir ka furmay Hargeysa
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:01 0:00

XS
SM
MD
LG