Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Norway: Wiil Loo Qabtay Dilka 14 Jir Soomaali ah


Booliska dalka Norway ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen wiil 15 sano jir ah oo labo maalmood ka hor dil u gaystay wiil Soomaaliyeed oo 14 sano jir ah oo lagu magacaabay Yacquub Cabdullahi Xasan.

Wiilka Soomaaliga ayaa waxaa lala dilay haweenay u dhalatay dalka Norway oo lagu magacaabo Tone Illebekk, oo 48 sano jir ahayd.

Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta uu wiilkan 15 jirka u geystay dilka labadan qof, oo dhacay galabnimadii Isniinta, marka laga reebo inuu qirtay dilka, sida ay booliiska sheegeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee dilkaasi ka dhacay magaalada Kristiansand ayaa wariyaha VOA-da Ridwaan Xaaji Cabdiwali waxaa uu ka waraystay Cumar Cabdi Affey oo ah suxufi degan magaalada Oslo.

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Norway
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:03 0:00

XS
SM
MD
LG