Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Puntland oo Qabsaday Qandala


Qandala
Qandala

Ciidamada Puntland ayaa maanta dib u qabsaday magaalada Qandala ee Gobolka Bari oo ay muddo ku dhow 40 malamood haysteen maleeshiyada taabcsan ururka Daacish.

Ciidamada Puntland ayaa kasoo weeraray magaalada laba dhinac oo kala ah dhinaca badda iyo dhulka, waxaana ay ciidanku maanta barqadii galeen magaalada iyadoo aan wax iska caabin ah ka dhicin.

Weriyaha VOA-da oo ku sugan magaalada Qandala ayaa sheegtay in magaaladu aysan ku sugnayn dad rayid ah.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay inay iska horimaadyo dhaceen maalmihii Sabatidii iyo Isniintii, kadibna aysan la kulmin iska horimaad ballaadhan.

Maleeshiyada taabacsan Daacish ayaa la sheegay inay u baxsadeen dhinaca buurayalada dhinaca Koonfureed kaga toosan magaalada Qandala.

Weriyaheena Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa ku sugan magaalada Qandala, waxayna gudaha magaalada kula kulantay Wasirika Qirshaynta Puntland Dr. Shire Xaaji Faarah oo ka mid ah mas’uuliyiinta Puntland ee gaadhay magaaladaasi, kaasi oo ay wax ka weydisiay sida magaalada loo qabtay.

Ciidamada Puntland oo qabsaday Qandala
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:06 0:00

XS
SM
MD
LG