Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Ka Digay u Safarka Ethiopia


Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sii wadda inay muwaadiniinteeda uga digto halista uga iman karta u safarka Ethiopia, sababo la xiriira degenaansho la’aanta dalkaas iyo dibadbaxyada aan la saadaalin karin ee ka dhanka ah dowladda dalkaas, kuwaas oo socday tan iyo bishii November ee sanaddii 2015.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in awoodda safaaradda Mareykanka ee Ethiopiaay u leedahay in adeeg qunsuliyeed ay siiso muwaadiniinta Mareykanka ay meelaha qaar ee dalkaas xadidnaan karto, sababo la xiriira xanibaadda dowladd Ethiopia ay ku hayso internet-ka iyo adeega mobile.

Digniintan cusub ayaa baddaleysa digniintii safar ee Mareykanka uu soo saaray 21-ka bishii October.

Dowladda Ethiopia ayaa 8-dii October ku dhowaaqday xaalad deg deg ah oo dalkeeda ay kusoo rogtay taasi oo u ogolaaneysa inay xirto shaqsiyaadka ayada oo aan fasax ka helin maxkamad.

Dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in Ethiopia aysan sidoo kale kusoo wargelin safaaradda Mareykanka haddii muwaadiniin Mareykan ah ay ku xirto dalkaas, taasi oo qeyb ka ah xaladda deg degga ee dalkaas saaran.

Si kastaba, Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda in haddiiba ay go’aansadaan inay u safraan Ethiopia ay raacaan talooyinka la xiriira ammaanka iyo nabad-galyada Ethiopia ee ay soo saartay.

XS
SM
MD
LG