Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarado Duqeeyey Qandala iyo Dagaal ka Dhacay


Wararka ka imanaya Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in hawlgal milatari uu xalay ka dhacay meel 34 km jirta magaalada Qandala oo lagu magacaabo Madlaxo, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo dhinaca amniga ah.

Hawlgalkan ayaa la sheegayaa inay fuliyeen ciidamo si gaara ah u tababaran oo ka tirsan maamulka Puntland sida ay sheegeen warar laga helay mas’uuliyiin ka tirsan amniga oo maamulka Puntland ah.

Warar kale oo ay goor hore heshay idaacadda VOA ayaa sheegayey in weerarka ay ku lug lahaayeen ciidamo ajnabi ah iyo duqayn dhinaca cirka ah.

Saraakiisha amniga ee dhinaca Puntland iyagu ma aysan xaqiijin wararka sheegaya duqayn cirka ah inay dhacday, waxayna ku adkaysteen in weerarku ahaa mid ay fuliyeen ciidamadooda khaaska ah.

Hawlgalkan milatari ee lagu qaaday Madlaxo ayaa wararka aanu helaynaa sheegayaan in lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyada taabacsan Daacish. Waxaana goobtaasi ay 21km u jirtaa deegaanka Af-Bashaashin oo uu ka dhacay iska horimaadkii maalintii Sabtida dhacay.

Dhinaca kale waxaa faahfaahin laga helayaa dagaallo culus oo shalay ka dhacay dooxada Cobollehe oo ay saldhig ku lahaayeen maleeshiyada taabacsan Daacish.

Warar aanu ka helnay dhinaca amniga ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay dagaalkii shalay ku dileen tiro ka mid ah maleeshiyada Daacish taabacsan, islamarkaana ay qabsadeen baabuur ay saaran tahay daawo. Saddex ka tirsan ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarkan.

Ciidamada Puntland ayaa weli si gaabis ah ugu sii siqaya magaalada Qandala oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Daacish.

Dagaalka shalay ka dhacay Cobollehe ayaa ahaa iska horimaadkii labaaad ee dhexmara labada dhinac. Dagaalka hore ayaa Sabtidii ka dhacay degaanka Af-Bashaashin waxaana ciidamada Puntland ay ku dileen dagaalkaasi 7 ka tirsan maleeshiyada Daacish, dhinacoodana waxay sheegeen inay uga dhaawacmeen saddex askari.

Maleeshuyada Daacish ayaa qabsaday magaalada Qandala bishii October 26-keedii iyadoo aan wax iska horimaad ah ka dhicin. Puntland ayaa dhinaceeda wacad ku martay inay magaalada dib u qabsato.

Qandala waa magaalo taariikhi ah oo 80km dhinaca Bari kaga toosan magaalada Boosaaso. Qabsashada Qandala ayaa maleeshiyada Daacish taabacsan u ahayd markii ugu horraysay ee degaaan cayiman oo la yaqaan ay ka qabsadaan maamulka Puntland tan iyo intii jiritaankoodu soo baxay bishii October ee sannadkii 2015-ka.

XS
SM
MD
LG