Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Doorashada Xidlhibaanada Waqooyi oo Billaabatay


Maxamed Cumar Carte ayaa ka mid ahaa dadkii maanta la doortay
Maxamed Cumar Carte ayaa ka mid ahaa dadkii maanta la doortay

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee xubnaha baarlamaanka Soomaaliya u matalaya gobollada Waqooyi.

Xubno ay ka mid yihiin ra’iisul wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Cabdraxmana Ducaale Beyle ayaa ka mid ahaa musharrixiinta maanta la doortay.

Shalay ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu soo jeediyey in doorashadan lagu qabto xarunta Xalane oo ah halka ay degan yihiin ciidamada Amisom iyo beesha caalamka.

Si kastaba, Doorashadan ayaa waxa ay ka dhaceysaa xarunta Gaadiidka Booliiska ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Ra'iisul wasaare ku xigeenka ayaa u warramay Ismaaciil Xuseen Farjar.

Wareysi: Maxamed Cumar Carte
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:47 0:00

XS
SM
MD
LG