Isku xirrada

Afti ka Dhacaysa Talyaaniga oo Saamayn ku Leh Midawga Yurub


Waxaa maanta Talyaaniga ka dhacaysa afti doorasho taas oo shacabka dalkaasi ay ugu codeynayaan arrimo taabanaya xidhiidhka ay la leeyihiin Midawga Yurub iyo weliba awoodda dawladda.

Illaa 51 Milyan oo u dhashay dalka Talyaaniga ayaa u diiwaangashan inay codkooda dhiibtaan.

Codbixiyayaasha ayaa diidi doona ama ogolaan doona hindise uu wato Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi kaas oo u janjeedha dhinaca Midawga Yurub, wuxuuna Ra’iisal Wasaaruhu doonayaa inuu kordhisto awoodda uu leeyahay xafiiskiisu si uu u samayn karo isbedelo dhaqaale oo xukuumaddiisu ay aaminsan tahay inay keeni karto xasilooni dhaqaale.

Hase ahaatee saadaasha iyo ra’yi ururinta la samaynayey labadii bilood ee ugu dambeeyey ayaa muujinaysa in hindisaha uu wato Ra’iisal Wasaaruhu inay guul daraysanayso ama codbixinta looga adkaanayo.

RW ayaa ballanqaaday in haddii codbixinta looga adkaado inuu iscasili doono.

XS
SM
MD
LG