Isku xirrada

Ra'iisul Wasaaraha: NISA Faraha Ha Kala Baxdo Doorashada


Ra'iisul wasaare Cumar

Ra'iisul wasaare Cumar

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa faray uddiga Amniga Doorashooyinka inay ilaaliyaan faragelin kasta oo lagu sameeyo odyaasha dhaqanka, murashixiinta iyo ergooyinka.

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa lagu amray ciidamada Nabad suggidda Qaranka ee NISA inay faraha kala baxaan ama ay joojiyaan faragelinta ay ku haayan doorashada dadban ee ka socota Gobollada dalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa si toos ah ugu socday Guddiga doorashada dadban, taliyeyaasha laamaha amaanka dowladda iyo ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia, Micheal Keating.

Qoraalka waxa uu ku eedeeyay Hey’adda Nabad suggidda Qaranka in 28-kii bishan ay Muqdishu ku xireen oday dhaqameed ka tirsan kuwa ka soo jeeda Gobolada Waqooyi oo ka tirsan Odayaasha 135-ka ah.

XS
SM
MD
LG