Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ururada Islaamiga oo Cambaareeyey Weerarkii Ohio


Ururada u dhaq dhaqaaqa xuquuqda dadka Islaamka ee dalkan Maraykanka ayaa cambaareeyey weerarkii shalay ka dhacay Jaamacadda Ohio State University ee magaalada Columbus dalkan Maraykanka.

Mas’uuliyiinta iyo jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Columbus ayaa iyaguna sheegay in loo baahan yahay inaan ficilka qof qura aan loo aanayn bulsho dhan ama diin.

Ninka weerarkan gaystay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdirissaq Cali Cartan waxaana uu ahaa 20 sano jir dhiganayey jaamacadda uu weerarka ka fuliyey.

Dhinaca kale, Xasan Cali Cumar oo ah guddomiyaha Jaaliayadda Soomaalida ee Columbus oo ka mid ahaa hoggaamiyayaasha bulshada Soomaalida ee booqday qoyska uu kasoo jeedo ninka lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey weerarka, ayaa weriyaheena Cabdi Kaafi Yuusuf Aadan uga warramay dareenka qoyska.

Warbixinta ururada Islaamiga iyo wareysiga Xasan Cali Cumar hoos ka dhageyso.

Weerarka Ohio State
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:10:27 0:00

XS
SM
MD
LG