Isku xirrada

Puntland: Ciidamo u Ruqaansaday Qandala


Wararka ka imanaya maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo badan oo hubaysan ay u ruqaansadeen dhinaca magaalada Qandala oo bishii hore ay qabsadeen maleeshiyada taabacsan ururka Daacish.

Dadka ku nool degaannka Timirshe oo dhinaca Bari ka xiga magaalada Boosaaso ayaa VOA u sheegay in ciidamadan oo wada gawaari gaashaamaan ay kusii jeedaan dhinaca magaalada Qandala.

Ilaa haatan ma jiro wax dagaal ah oo ka dhacay magaalada Qandala. Waxaa magaaladaasi qabsaday maleeshiyada taabacsan Daacish dabayaaqadii bishii October.

XS
SM
MD
LG