Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Yurub oo Sii Dheereeyey Howlgalka Xeebaha Somalia


Howlgalka Badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay inay sii wadi doonaan ilaalinta xeebaha Soomaaliya illaaa laba sano oo kale, si ay uga hortagaan weeraro kale oo dib usoo cusboonaada.

Tirada afduubyada iyo weerarada ka dhaca badda Soomaaliya ayaa hoos u dhacay – Inkasta oo saraakiisha badaha ay ka digayaan in halista ay weli jirto, ayna caddeyn u tahay laba isku day weerar oo dhacay bishii tagtay.

Gaashaanbuurta NATO ayaa toddobaadkii tagay sheegtay inay soo geba gebeysay howlgalkii ay ugu magac dartay Ocean Shield ee xeebaha Soomaaliya, kadib markii hoos u dhac xooggan uu ku yimid weerarada burcad badeedda.

Hase yeeshee Midowga Yuurb ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalka Atlanta ee xeebaha Soomaaliya illaa dhammaadka sanadda 2018, si ay taas u ogolaato ilaalinta gargaarka QM.

Howlgalkan oo lagu waday in lasoo afjaro dhammaadka sanadkan ayaa adeegsada 1,200 shaqaale ah, afar illaa lix Markab iyo laba ama saddex diyaarado oo ay lee yihiin dalalka Midowga Yurub.

XS
SM
MD
LG