Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad Somalia ka Tagtay oo Shil ku Gashay Nairobi


Jomo Kenyatta International Airport, Nairobi, Kenya
Jomo Kenyatta International Airport, Nairobi, Kenya

Masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Joomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in fiidnimaddii Axadda si ku meel gaar ah u xireen wadada dayuuraduhu ay ku cararaan ee garoonkaas, kadib markii dayuurad ka tagtay Somalia ay ku dhacday halkaas.

Warkan oo ahaa qoraal ka soo baxay hey’adda maamusha Garoomada Kenya ee marka la soo gaabiyo la yirahdo KAA ayaa lagu sheegay in shilkaasi uu saameeyay dayuuradihii halkaas ka duuli lahaa ama ka soo degi lahaa.

Waxaa lagu sheegay in dayuuradihii ka soo degi lahaa garoonka dhamaantood loo weeciyay magaalada Mombasa.

Masuuliyiintu waxey sheegeen in shilkaasi uusan wax qasaara ah geysan.

Garoonka Joomo Kenyatta ayaa ka mid ah garoomada ugu mashquulka Badan Qaaradda Africa.

Weli kenya ma aysan shaacin Shirkadda laheyd dayuuradda iyo rakaabka saaraa midna.

XS
SM
MD
LG