Isku xirrada

Diyaarado Weeraray Saldhiga Al-Shabaab


Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in diyaaraddo helicopters ah oo loo malaynayo in Maraykanku uu leeyahay ay xalay beegsadeen oo weerar ku qaadeen saldhig al-Shabaab ay ku leedahay goob dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

Wararka ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xooggan. Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha, ayaa dhinaca kale warar ay sheegayaan in dagaalkaasi al-Shabaab looga dilay in ku dhow 7 qof.

Dhinaca kale, kolonyo ciidamada AMISOM oo ka yimid degmada Baraawe ayaa weerar gaadmo ah lagu qaaday meel u dhow deegaanka Golweyn.

Wararka ayaa sheegaya in baabuur AMISOM ah ay miino la kacday, islamarkaana uu jiro khasaare soo gaaray ciidamada AMISOM. Dhinaca al-Shabaab-na, goobjoogayaal ayaa sheegaya in 3 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab lagu dilay halkaasi.

AMISOM ayaan wax war ah ka soo saarin weerarkan ka dhacay Golweyn.

XS
SM
MD
LG