Isku xirrada

Muqdisho: Qarax Lagu Dilay Sarkaal ka Tirsanaa Safaaradda Imaaraadka


Qarax

Qarax

Sarkaal ka tirsanaa illaalada safaaradda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa maanta lagu diley qarax la gula beegsaday gaari uu watay magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed ayaa VOA u xaqiijiyay in Gaariga uu watay sargaalka dhintay oo Nuuciisu ahaa kaarib uu kula Qarxay isaga oo marayay isgoyska Maana-Boolyo ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay iney rumeysan yihiin in qaraxa lagu diley sarkaalka loogu soo xirey gaarigiisa

Sarkaalka ayaa la sheegay in dhaawac ahaan looga qaaday goobta markii hore hase ahaatee uu ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Ciidamada dowlada ayaa gaarey goobta uu qaraxu ka dhacay iyaga oo baaritaano ka sameyay halkaasi.

XS
SM
MD
LG