Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NATO oo Soo Afjartay Howlgalkii Xeebaha Soomaaliya


Gaashaanbuurta NATO ayaa soo geba gebeysay howlgalkii ay ugu magac dartay Ocean Shield ee xeebaha Soomaaliya, kadib markii hoos u dhac xooggan uu ku yimid weerarada burcad badeedda.

Ciidamada cirka ee dalka Denmark ayaa sameeyey howlgalkii ugu dambeeyey ee NATO ee lagu kormeerayey badweynta India.

Howlgalka NATO ayaa qeyb ka ahaa jawaab isku xiran oo beesha caalamka ay bixisay halista burcad badeedda Soomaaliya, kaasi oo sidoo kale ay ka qeyb galeen Midowga Yurub, Mareykanka iyo dalal kale oo madax banaan.

Burcad badeednimada xeebaha Soomaaliya ayaa markii ugu xumeyd yeeshay saameyn dhaqaale oo dhan 7 bilyan oo dollar, ayada oo in ka badan 1000 qof lagu afduubtay.

Ma dhicin wax weerar burcad badeed ah oo guuleystay tan iyo sanaddii 2012, taasi oo ah hoos u dhac aad u weyn marka la eego 2010 ilaa 2011 oo la afduubtay 30 markab.

Taliyaha ciidamada dalka Denmark oo fuliyey howlgalkii ugu dambeeyey ee NATO ay ka sameyso xeebaha Soomaaliya ayaa ku adkeystay in NATO ay dib u billaabi karto howlgakeeda ka dhanka ah burcad badeednimada waqti kasta – Haddii ay tahay xeebaha Somalia ama badda Atlantic

NATO ayaa iminka dareenka u weecin doonta sidii ay Russia uga celin lahayd Badda Madow iyo wax ka qabashada dadka muhaajiriinta ah ee ku safra badda Mediterranean-ka.

XS
SM
MD
LG