Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Beeniyey in Askari uu Uga Dhintay Somalia


AFRICOM
AFRICOM

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan AFRICOM ayaa beeniyey sheegasho ay ururka Al-Shabaab sheegteen in askari Maraykan ah uu ku dhintay duleedka magaalada Kismaayo iska horimaad dhexmaraya maleeshiyadooda iyo ciidamada Kenya iyo Kuwa Maraykanka oo isla socday.

AFRICOM ayaa sheegay in sheegashadaasi ay tahay mid aan waxba ka jirin oo laga yaqyaqsoodo.

Askarigaasi oo lagu magacaabo Zachary Allan Bannister ayaa dhintay 17-kii Bishii Oktoobar, waxaana warbaahinta Maraykanku sheegtay inuu ku dhintay saldhig ku yaalla dalka Kenya.

AFRICOM ayaa sheegtay in askarigaasi uusan ku dhimanin dagaal.

Warar laga helayo warbahainta Maraykanka ayaa sheegaya in askarigaasi oo ka hawlgeli jiray saldhig ku yaalla Gobolka Xeebta ee LAMU ay u badan tahay inuu isagu naftiisa waxyeelay.

Maraykanka ayaa la-taliyayaal dhinaca milatariga ah iyo tababarayaal ay ka joogaan Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaan ilaa haatan sheegin wax askari Maraykan ah oo ku dhintay Soomaaliya wixii ka dambeeyey 3-dii October sanandkii 1993-kii, markaasi oo 18 askari oo Maraykan ah ay ku dhinteen dagaalkii Marayanku la galay Jeneraal Caydiid.

XS
SM
MD
LG