Isku xirrada

Pakistan: 11 Qof Ayaa ku Geeriyootay Weerarka India


Pakistan ayaa sheegtay in weerar ay soo qaaday India uu ku dhacay baabuur rakaab oo marayey xuduudda Kashmir, halkaasi oo 11 qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

Khasaarahan ayaa ka dhacay dooxada Neelam ee ku dhow barta kala qeybisa India iyo Pakistan ee gobolka Himalyan. Saraakiisha ayaa ka cabsi qaba in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.

Qeybta warbaahinta ee milatariga Pakistan ayaa sidoo kale tuhunsan in ciidamada India ay beegsadeen baabuur gurmadka deg degga ah oo loo diray inuu dad soo daadgureeyo.

Dadka degan Neelam ayaa VOA u sheegay in qasab ay ku noqotay inay ka cararaan xaafadda markii isku dhacyada ay billowdeen.

Dagaalkan ugu dambeeya ayaa imanaya maalin kadib markii ciidamada India ay wacad ku mareen inay ka aargudan doonaan dilka saddex askari oo ay sheegeen in ciidamada Pakistan ay ku dileen xuduudda.

Saraakiisha milatariga Pakistan waa ay beeniyeen eedeymahaas.

XS
SM
MD
LG