Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey oo Ka Noqotay Sharci La Xiriira Guurka Caruurta


Binali Yildirim
Binali Yildirim

Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa sheegay in dowladdiisa ay dib uga laabaneyso hindise, dadka wax dhaliila ay sheegeen inuu shraciyeynayo guurka caruurta, taa beddelkeedna ay u direyso guddi ka tirsan baarlamanka inay dib u eegis ku sameeyaan.

Hindisahan oo la qorsheeyey in cod kama dambeys ah uu baarlamanka u qaado maanta ayaa wuxuu dib u dhigaya ciqaabta xadgudubyada galmo, haddii aysan jirin wax xanuun jir ah oo ka muuqda dhibanaha, ama dhibanaha uu yahay qof la guursaday.

Da’da ogolaanshaha galmada ee turkiga waa 18, inkasta oo maxkamadaha qaar ay fasaxaan guurka caruurta qaar ee 16 jiradaha ah, halka dhallinyaro bandanna ay isku guursadaan xafladaha Islaamiga ah.

Ra’iisul wasaare Binali Yildirim ayaa weriyayaasha u sheegay inuu weydiisanayo guddi ka kooban dhammaan xisbiyada dalka inay dib u eegaan sharcigan.

Dadka kasoo horjeeda hindisahan ayaa sheegay inuu cafinayo dadka gaysta kufsiga, uuna dib u celinayo dadaallada lagula dagaalamayo xadgudubyada galmada iyo guurka carruurta.

XS
SM
MD
LG