Isku xirrada

Hindiya: 97 Qof oo Ku Dhintay Shil Tareen


Tareen nooca dheereeya ah oo ka baxay khadkii uu ku socday ayaa woqooyiga dalka India ku dilay ugu yaraan 97 qof dhaawacna uu ka soo gaaray in ka badan 100 qof oo kale.

Dadka ka shaqeynaya gurmdadka iyo dad is-xilqaamay ayaa tareenka sida ba’an u burburay ka dhex raadinaya bal haddii ay ka dhex heli karaan dad kale oo ka bad baaday shilka tareen ee aroortii hore ee Axaddan maanta ah ka dhacay meel ku dhow degaanka Kanpur ee ku yaala gobolka Uttar Pradesh.

Daraasiino gawaarida gurmadka ah ayaa la geeyay goobta ay masiibadu ka dhacday.

Warbixinta tareenka ka dhageyso lifaaqan.


XS
SM
MD
LG