Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Putland oo Xukuntay Shan Qof oo Ka tirsan Daacish


Maxkamadda ciidamada Putland ayaa maanta magaalada Bossaso waxay xukunno dil ah iyo xabsi daain ah ku xukuntay 5 qof oo ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Daacish taageersan ee ku sugan gudaha Puntland.

Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xuntay Axmed Aaden Cabdullaahi iyo Cabullaahi Maxamed Aaden Cabdi.

Sidoo kale waxa ay maxkamaddu xabsi madaxaa haku furto ah ku ridday Saalax Xuseen Ibrahim iyo Cabdifataax Jamaal Cabdi.

Maxkamadda ayaa Farxaan Cabdullaahi Faarax oo la sheegay in ay da'diisu ka yar tahay 15 sano amar ku bixisay in lagu wareejiyo wasaaradda cadaaladda ee maamulka Puntland.

Warbixinta oo faah faahsan ka dhageyso xagga hoose.

Xukunka 5-ta Qof ee Boosaaso
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:31 0:00

XS
SM
MD
LG