Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo La Kulmaya Hogaamiyayaasha Yurub


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa maanta hogaamiyayaasha dalalka ugu weyn Yurub kula biiray kulan looga hadlayo caqabadaha dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ee ay wajahayaan dalalka saaxiibada ah.

Kulan madaxeedka uu Obama la yeelanayo hogaamiyayaasha dalalka Germany, Britain, France, Italy iyo Spain ayaa sii ballaarinaya wada-hadalladii uu maalin ka hor la yeeshay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel.

Kulanka oo u muuqda kii ugu dambeeyey ee Obama uu la qaato madaxdan ka hor inta uusan xukunka ka degin bisha January, ayaa Obama waxa uu miiska soo saaray midnimada iyo wada shaqeynta joogtada ee Mareykanka uu la leeyahay dalalkan.

Waxa uu carabka ku adkeeyey in Mareykanka uu sii wadi doono inuu dunida la macaamilo.

Obama ayaa madaxweynaha badalaya ee Donald Trump ugu baaqay inuu ka hortago Russia, isaga oo sheegay inuu rajeynayo inuu qaato siyaasad wax ku ool ah oo la mid ah middiisa.

XS
SM
MD
LG