Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Xukunkii Dhalinyarada oo Lasoo Afjaray


Guuleed Cali Cumar ayaa lagu xukumay 30 sano, Cabdiraxmaan Daa'uud iyo Maxamed Cabdulxamiid Faarax oo labaduba jira 20 sano, ayaa lagu xukumay 30 sano oo xarig ah midkiiba.

Bishii May ayaa lagu helay dambi ah inay doonayeen inay ku biiraan ururka Dacaish iyo eed labaad oo ahayd inay maleegayeen inay dil ka gaystaan dalka dibeddiisa.

Guuleed Cali Cumar ayaa xukunkiisa uu ugu dambeeyey, waxaana isaga ka horreeyey Cabdiraxmaan Daa'uud oo isna maxkamadda Minneapolis ay ku xukuntay 30 sano oo xarig ah.

Goor horena, Maxamed Cabdulxamiid Faarax oo ka mid ah saddex dhallinyaro ah oo bishii May ee sanandkan lagu qaaday maxkamad ku eedaysay inuu doonayey inuu ku biiro ururka Daacish iyo eed labaad oo ahayd inuu maleegayey inuu dil ka gaysto dalka dibeddiisa ayaa maxkamadi ku xukuntay 30 sano oo xarig ah iyo in kormeer daa'im ah.

Hooyada dhashay Maxamed Faarax; Ayaan Faarax, ayaa markii wiilkeeda lasii waday ku tiri "Allaah Macakum."

Ehelada wiilka ayaa la sheegay inay ooyeen, iyadoo Ayaan Faarax ay sheegtay inaan wiilkeedu helin maxkamad iyo xukun caddaalad ah toona.

Xaakimka maxkamadda Michael Davis, ayaa isna sheegay in bulshada Soomaalida looga baahan yahay inay fahanto in unug jihaadi ah uu ka dhex jiro bulshada.

Horey waxaa loo xukumay lix dhallinyarao ah oo iyagu qirtay inay doonayeen inay ku biiraan ururka Dacaish, kuwaasi oo lagu kala xukumay sidan:

Xamse Axmed oo lagu xukumay 15 sano

Hanad Muuse oo lagu xukumay 10 sano

Zakariye Cabdiraxmana oo lagu xukumay 10 sano

Cadnaan Faarax oo lagu xukumay 10 sano

Cabdirissaq Warsame oo lagu xukumay 2 1/2 sano.

Cabdullaahi Yuusuf oo lagu xukumay waqtiga uu kusoo qaatay xabsiga.

XS
SM
MD
LG