Isku xirrada

5 Qof oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Caabudwaaq


Dagaal Culus oo Dhuuse-mareeb ka Dhacay

Dagaal Culus oo Dhuuse-mareeb ka Dhacay

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay dagaal beeleed maanta ka dhacday magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ahaayeen dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray.

Nabaddoon Yuusuf Shire Cilmi oo ka mid ah waxgaradka degmada Caabudwaaq ayaa VOA u sheegay in dagaalka uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo labada beel u dhaxeeya.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inaanay jirin maamul xalliya murannada u dhexeeya beelaha ee dagaalka dhalinaya.

Warbixintan waxaa Gaalkacyo nooga soo diray weriyaheena Cabdiwaaxid Macallim Isxaaq.

XS
SM
MD
LG