Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Aqalka Hoose oo ka Billaabatay Jowhar


Shirka Jowhar (Sawirka Radio Muqdisho)
Shirka Jowhar (Sawirka Radio Muqdisho)

Doorashada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya ee xubnaha kasoo galaya maamulka Hirshabelle ayaa maanta ka billaabatay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Shantii xildhibaan ee ugu horreeyey ee maanta la doortay ayaa kala ah:

1 - Cabdullaahi Maxamed Nuur Sanbaloolshe

2 - Qadiijo Maxamed Diiriye

3 - C/risaaq Cumar Maxamed

4 - Faarax Sheekh C/qaadir

5 - Maxamed Xasan Qoono

Shanta xildhibaan ee maanta la doortay ayaa waxaa midkiiba soo doortay ergo ka kooban 51 qof oo kasoo jeeda beesha xildhibaanka.

Weriyaheena Xuseen Xasan Dhaqane ayaa warbixintan nooga soo diray Jowhar.

Doorashada Aqalka Hoose oo ka billaabatay Jowhar
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:53 0:00

XS
SM
MD
LG