Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Maanta ka Dhacay Magaalada Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo

Hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday mid kalena wuu ku dhaawacmay qarax maanta barqadii ka dhacay makhaayad ku taalla meel u dhow xarunta maamulka Gobbolka Jubada Hoose ee magaalada Kismaayo.

Qofka dhintay ayaa ka hor inta uusan geeriyoonin dhaawac ahaan loola cararay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu marki dambe ku geeriyooday.

Makhaayadda qaraxa uu ka dhacay oo ah meel ay dadku fadhiistaan oo ay ku shaahaan, ayaa markii qaraxa uu dhacayay ku sugnaa, dad isugu jira Odayaal, Askar iyo Wariyeyaal.

Goobjooge ka mid ah dadkii goobta qaraxa uu ka dhacay ku sugnaa ayaa VOA u sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino dhulka lagu aasay oo meel fog laga hayey.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sidoo kale waxaa ka ag dhow xarunta Bandhiga dhexe ee Soomaaliya laantiisa magaalada Kismaayo iyo Wasaarada Warfaafinta Maamulka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka socotay doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Jubbaland, waxaana lagu soo warramayaa in sababo aanan la shaacinin loo hakiyay doorashada Aqalka Hoose, oo ilaa iyo hadda lagu doortay 37 Xildhibaan, ayada ay harsan yihiin 6 xildhibaan kuwaasi oo la sheegay in beelaha ay ku muransan yihiin.

XS
SM
MD
LG