Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump: Wax Walba Si Hagaagsan Ayey u Socdaan


Donald Trump
Donald Trump

Ayada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in khilaaf xooggan oo ku saabsan xubnaha ka mid noqonaya golaha wasiirada cusub ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ayaa Mr. Trump waxa uu bartiisa twitter-ka soo dhigay in wax walba ay u socdaan si hagaagsan.

“Hanaan si aad ah u abaabulan ayaa socda, aniga oo go’aan ka gaaraya jagooyinka wasiirada iyo kuwa kale’ Ayuu Mr. Trump qoray, isaga oo intaas ku daray “Waxaan ahay qofka kaliya ee og dadka ugu dambeeya ee weli sharxan”.

Labaatan daqiiqo ka hor qoraalkiisa, ayaa wargeyska Washington Post waxa lagu daabacay faallo uu qoray Eliot Cohen oo ah sarkaal horey dhinaca amniga qaranka uga tirsanaa oo jamhuuri ah, kaasi oo xubnaha muxaafidiinta ugu baaqay inaysan ka mid noqon maamulka Trump.

Cohen waxa uu sheegay in mar kasta oo laba mamaul ay xukunka kala wareegayaan ay jiraan abaabul xumo dib u wanaagsanaada, hase yeeshee is-dhex yaaca ka jira kooxda Trump uu yahay mid aan caadi ahayn, islamarkaana maamulka Trump uu noqon doono mid aan caadi ahayn.

Dhinaca kale, xubno ka tirsan kooxda lasoo wareegista maamulka ee Trump ayaa shalay is-casilay, halka qaar kale ay horey xilka uga tageen ama darajadooda hoos loo dhigay.

XS
SM
MD
LG