Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Dhalinyaro Soomaali ah oo la Xukumay


Xaakimka Michael Davis ayaa xukunka ugu horreeyey ku riday Cabdullaahi Yuusuf oo uu ku xkumay waqtigii uu hore usoo qaatay xabsiga.

Xaakim ayaa magaalada Minneapolis xukun ku riday wiilkaasi oo 20 sano jir ah oo qirtay inuu doonayey inuu ku biiro ururka Daacish.

Cabdullaahi Yuusuf ayaa ah kii ugu horreeyey ee xukunka uu ku dhaco. Xaakimka Michael Davis ayaa ku xukumay waqtigii uu hore xabsiga usoo qaatay oo ku dhow laba sano, iyo 20 sano ah oo uu ku jirayo kormeer joogto ah.

Cabdullaahi Yuusuf ayaa la qabtay bishii May 2014-tii isgaoo ka duulayey garoonka diyaaradsaha ee Mineapolis kuna sii jeeday magaalada Istanbul.
Bishii Fberaayo 2015-kii ayuu qirtay inuu doonayey inuu ku biiro Dacaish.

Xaakimka ayaa la sheegay inuu Cabdullaahi Yuusuf u sheegay inuu fursad siinayo oo uusan waqtigiisa ku lumin doonin xabsiga.

Xukunka labaad ayaa ku dhacay Cabdirisaaq Warsame waxaana lagu xukumay 30 bilood oo xarig ah iyo 20 sano oo ah kormeer joogto ah.

Qofka saddexaad ee maanta la xukumi doono ayaa ah Zakariye Yuusuf oo isna horey u qirtay dambigaasi la mid ah inuu galay.

XS
SM
MD
LG