Isku xirrada

Maxkamadeyn Maanta ka Bilaabanaysa Minnesota


Magaalada Minneapolis waxaa maanta ka bilaabanaya xukunno lagu riday sagaal dhalinyarao ah oo qaarkood qirteen inay doonayeen inay ku biiraan ururka Daacish, halka saddex kalena lagu helay kaidb dhagaysi maxkamadeed. Saddex dhalinyaro oo qirtaya fal dmabiyeedka lagu soo eedeeyey ayaa maanta xukunka ugu horreeya ku dhici doonaa. Habeenkii xalayna waalidiinta dhalinyarada ayaa kulan duco ah ku yeeshay magaalada.

Khadka telefoonka ee Minneapolis ayaa Haaruun Macruuf uu ku waraystay Yuusuf Aadan Cabduraxmaan oo ah aabaha mid ka mid ah dhalinyarada maanta la xukumayo oo ah Zachariya Yuusuf Cabdiraxmaan.

XS
SM
MD
LG