Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland iyo Galmudug oo 2 Guddi Dhisay


Madaxda Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta mar kale ku kulmay Galkacyo, si ay u sii ambaqaadaan wadahadalladii iyo heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee ay shalay ka gaareen dagaalladii ku dhexmaray magaalda Gaalkacyo.

Labada dhinac ayaa soo magacaabay guddiyo ka shaqeyn doona xabbad-joojinta iyo xal u helida colaadda. C/kariin Xuseen Guleed madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inuu rajaynayo inaan mar kale dhibaato dhicin.

Cabdiweli Cali Gaas, madaxweynaha Puntland ayaa isaguna dhiniisa sheegay in dadka Gaalkacyo looga baahan yahay inay wanaagga ku heshiiyaan maadaama ay magaalada ku wada nool yihiin.

Ra'isul-wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta dhexdhexaadinayay labada dhinac ayaa sheegay inuu jiro walaac ay dadka Gaalkacyo ka qabaan in mar kale colaad dhacdo, balse wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga baaqsado, isagoo dhinaca ku baaqay in dadkii magaalada ka qaxay ay dib u soo noqdaan.

Puntland iyo Galmudug ayaa la filayaa inay kullamo uga bilowdaan magaalada Ksimaayo 20-ka bishan si uga doodaan colaadda Gaalkayo waxay salka ku hayso, kadibna xal kama danbeys ah ka gaaraan.

XS
SM
MD
LG