Isku xirrada

Puntland iyo Galmudug oo Heshiis Gaadhay


Gaas iyo Cabdikariin

Gaas iyo Cabdikariin

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya inay is-afgarad gaadheen dhinaca colaaddu ku dhexmartay magaalada. Weriyahayaga Gaalkacayo oo ku sugnaa goobta shirka ayaa sheegay in dhinacyadu ay isku afgarteen saddex qodob oo kala ah:

- In xabadda la joojiyo lana magacaabo guddi isku dhaf ah
- In 20-ka bishan lagu kulmo magaalada Kismayo si colaadda loo joojiyo
- Iyo in si qoto-dheer looga wadahadlo waxyaabaha la isku hayo

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadda ka dhacaysay magaalada Gaalakacayo tan iyo bishii Octoobar ay ku dhinteen 45 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 130 qof, halka 90 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Weriyaha VOA ee Gaalkacayo Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa warbixintan ka soo diray Gaalkacayo.

XS
SM
MD
LG