Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Galmudug iyo Puntland oo Kulmay


Sawir Hore: Guuleed iyo Gaas
Sawir Hore: Guuleed iyo Gaas

Magaalada Gaalkacayo waxaa gaadhay wefti uu horkacayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Micheal Keating iyo madax kale.

Sidoo kale waxaa Gaalkacayo ku sugan madaxweynayaasha maamul goboleedada Puntland iyo Galmudug.

Wufuuddan ayaa isu keenay labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdikariin Guuleed.

Kulankaas ayaa ujeedadiisu tahay sidii xal looga gaadhi lahaa colaadda soo noqnoqotay ee magaalada Gaalkacayo taas oo u dhexeysa labada maamul.

XS
SM
MD
LG