Isku xirrada

Obama iyo Trump oo Ku Kulmay Aqalka Cad


Trump iyo Obama

Trump iyo Obama

Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maraykanka Barack Obama ayaa Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka kusoo dhoweeyey Madaxweynaha la doortay Donald Trump.

Kulankan ayaa la sheegay inuu qaatay ku dhowaad 90 daqiiqo. Sidoo kale waxaa booqashada ku weheliyey Mr. Trump xaakiisa Melania Trump, waxaana soo dhoweysay Michelle Obama.

Kulankaasi kadib ayaa labada nin waxay si kooban ula hadleen saxaafadda. Madaxweyne Obama oo ugu horrayn hadlay ayaa sheegay inuu wadahadal wanaagsan la yeeshay Mr Trump. Waxa uu sheegay in isaga iyo golihiisa wasiirrada ay ka shaqayn doonaan sidii xil wareejinta ay ugu fududaan lahayd Mr Trump iyo maamulkiisa.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu doonayo in Mr Trump uu guulaysto, waxaana uu intaas ku daray in haddii Mr Trump uu guulaysto ay ka dhigan tahay Maraykanka oo guulaystay.

Dhinaca kalena waxaa halkaasi ka hadlay Mr Trump oo sheegay in waqtiga ay kulmeen ay ka wada hadleen qodobo kala duwan oo iskugu jira kuwo adag iyo kaleba. Waxa uu sheegay in shirkaasi uu socon karay muddo dheer, isgaoo muujiyey inuu xiiso lahaa. Waxa uu sheegay inuusan horey ula kulmin Mr Obama balse uu ka filayo Obama talooyin mustaqbalka.

Mr Trump ayaa sidoo kale ku tilmaamay Mr Obama inuu yahay nin wanaagsan.

Labada nin ayaa diiday inay wax su’aalo ah ka jawaabaan markii saxaafadda loo oggolaaday qolka ay ku shirayeen.

XS
SM
MD
LG