Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Gobolka J/Dhexe


Qarax
Qarax

Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xalay uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Waraha Dhobley oo u dhow magaalada Buu’aale ee caasimadda Gobolka.

Warar laga helay dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxan ay sababeen duqayn dhinaca cirka ah oo ay gaysteen diyaarado aan weli la garan cidda iska leh.

Ilaa hadda si madax bannaan looma xaqiijin waxa sababay qaraxa. Sidoo kale ma cadda cidda la bartilmaameedsaday.

XS
SM
MD
LG