Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbaxyo ka Dhan Ah Trump oo ka Socda Mareykanka


Ayaga oo sita boorar, islamarkaana ku cambaareynaya madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump inuu yahay cunsuri, ayaa kumanaan dibad baxayaal ah waxay qaadayaan waddooyinka magaalooyinka waa weyn ee Mareykanka.

Dad aad u badan ayaa buuxiyey waddada Fifth Avenue ee magaalada New York, kasoo horjeedka sarta Trump Tower, halkaasi oo madaxweynaha la doortay uu ku nool yahay, waxayna sitaan boorar lagu qoray “Jaceylka ayaa ka guuleysta Naceybka”.

Koox kale oo dibadbaxayaal ah ayaa isugu yimid banaanka Aqalka Cad ee Mareykanka, oo dhowaan noqon doona guriga cusub ee Trump. Meel aan halkaas ka fogeynna, waddada Pennsylvania Aveneu ee hotelka Trump uu ku yaallo ayaa dibad baxayaasha waxa ay sidoo kale ku qeylinayaan “U dheh si xooggan, u dheh si cad, qaxootiga waa lagu soo dhoweynayaa waddankan”.

Magaalooyinka kale ee Bariga Mareykanka, sida Philadelphia, Miami iyo Boston ayaa dibad baxayaasha waxa ay sidoo kale ku baaqayaan in xilka laga qaado madaxweynaha la doortay Donald Trump.

Dhinaca galbeedkana, magaalooyinka Los Angeles, San Francisco, Portland iyo Seattle ayaa kumanaan qof waxa ay gooyeen isu socodkii gaadiidka, ayaga oo ka careysan guusha Trump uu ka gaaray Hillary Clinton.

Banaanbaxyada ayaa sidoo kale ka dhacay magaaloyinka ku yaalla bartmaha, sida Minneapolis iyo St. Paul, Omaha iyo Kansas City.

Ma jirto cid ka tirsan kooxda Trump oo weli ka hadashay dibad baxyadan.

XS
SM
MD
LG