Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DEGDEG: Donald Trump Waa Madaxweynaha Maraykanka - AP


 Donald Trump
Donald Trump

Donald Trump ayaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka kadib guul aan marnaba laa saadaalin oo uu ka gaaray doorashooyinkii dhacay, sidaasi waxaa qortay wakaaladda wararka ee AP iyo warbaahinaha kale ee Maraykanka.

Trump oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa ka adkaaday musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton oo dad badan ay saadaalinayeen inay guuleysan doonto.

Trump waxa uu helay ilaa xilligan codadka la tiriyey 276 taasi oo ka badan dhibcihii loo baahnaa si loogu guulaysto madaxweynennimada.

Telefiishanka CNN ayaa sidoo kale tebiyey in Hillary Clinton ay wacday Donald Trump ayna u qiratay in laga adkaaday.

Trump ayaa ku guuleystay inta badan gobolladii muhiimka ahee ee loolanka adag uu ka taagnaa sida Florida, Ohio, Iowa, Wisconsin iyo North Carolina.

Hase yeeshee arrinta yaabka leh ayaa noqotay in Trump uu sidoo kale ku guuleystay gobollo aan ku dhowaad 30 sano uusan ku guuleysan musharax ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, sida Pennsylvania iyo Wisconsin.

Donald Trump oo ah maal qabeen, ayaa helay in ka badan 270-ka Codadka loo yaqaan Electoral College ee ah ergada u codeysa madaxweynaha.

Guusha Trump oo 70 jir ah ayaa doorashadiisan ay dad badan lama filaan ku noqotay, maadaama khubrada siyaasadda iyo codadka ra’yiga ee la uruuriyo ay saadaaliyeen inuu haysto wax ka yar 10% fursad ah.

Trump ayaa xafiiska la wareegi doona 20-ka bisha January ee 2017-ka.

XS
SM
MD
LG