Isku xirrada

Ciidamada Kurdishka Ciraq oo Weerar ku Qaaday Bashiqa


Ciidamnada Kurdishka Ciraq ayaa maanta billaabay weerar ay ku qabsanayaan magaalada Bashiqa oo ay haystaan dagaalyahanada Daacish.

Ciidamada Pashmerga ayaa magaalada ku hareereysnaa toddobaadyo, ka hor inta aysan weerarka qaadin.

Colonel Safeen Rasoon oa ka tirsan ciidamada Pashmerga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay “In qiyaastii 100 dagaalyahan oo Daacish ah ay ku jiraan” magaalada Bashiqa.

Duqeymo ay fulinayaan diyaarado dagaal iyo madaafiic culus oo magaalada lagu garaacay axaddii ayaa waxaa xigsaday weerarka maanta billowday.

Magaalada Bashiqa ayaa waxa ay 13 km dhinaca waqooyi bari kaga beegan tahay magaalada Mosul, oo ah magaalada ugu ballaaran Ciraq ee weli ay maamulaan kooxda Daacish.

Ciidamada Ciraq oo ay wehliyaan kuwa Pashmerga ayaa weerar ku qaaday Mosul saddex toddobaad kahor. Inkasta oo ay galeen qeybo ka mid ah xuduudda magaalada, haddana weli uma suurta gelin inay magaalada gacanta ku dhigaan.

XS
SM
MD
LG