Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Maalmood Ayaa Ka Hartay Doorashooyinka Mareykanka


Elections 2016 Ohio
Elections 2016 Ohio

Musharaxiinta u tartameysa xilka madaxtinimada dalka Mareykanka ee kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa Sabtidii dhowr gobol ka ololeeyey, xilli laba maalmood oo qura ay ka hareen maalinta doorashada oo ku beegan Salaasada soo aadan.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa taageerayaashiisa kula hadlay gobollada North Carolina, Florida, Colorado, iyo Nevada, halka sidoo kalana la filayo in Ololihiisa Sabtiga kusoo xiro gobolka Minnesota oo taariikhiyan ay mar walba ku guuleystaan Dimoqraadiga.

Musharaxa kale, Hillary Clinton oo u tartameysa xisbiga Dimoqraadiga ayaa waqtigeedii ugu badnaa Sabtida gelisay gobolka Florida, oo ah gobol dhaqan ahaan go,aan ka gaara doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka.

Marwo Clinton waxay kaloo ka ololeeysay magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania.

Shacabka Mareykanka ayaa goobaha cod bixinta u dareeri doona maalinta Salaasada ah ee soo aadan, si ay usoo doortaan madaxweynaha afarta sano ee soo aadan xakumi doona Mareykanka.

XS
SM
MD
LG