Isku xirrada

Weeraro Laga Digey Inay Ka Dhacaan Mareykanka


WASHINGTON, Nov 4 – Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay in saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka, ay uga digeen masuuliyiinta gobollada New York, Texas iyo Virginia suurta-galtinnimada weeraro ay al-Qaacidda la damacsan tahay halkaasi Isniinta soo socota, oo ah maalin ka hor xilliga doorashada Mareykanka ay dhaceyso, sidaas waxa baahisay CBS News oo soo xigatay ilo wareedyo aan la carabbaabin Jimcaha maanta.

Meel gaar ah oo ay weeraradaasi ka dhacayaan, ayaanan la xusin, balse sirdoonka Mareykanka waxay ku war galiyeen halistaasi ciidamada wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada.

"FBI waxay la shaqeyneysaa dowladda Federaalka iyo kuwa gobollada, kuwaas oo is dhaafsanaya xogaha ku saabsan shaqooyinka maalinlaha ah, waxana sii wadi doonnaa inaan si dhow ula shaqeyno ciidamada sharci ilaaliyayasha, iyo xubnaha sirdoonnada ee bulshada, si loo ogaado loogana hortago halisaha ka dhanka ah nabad galyada bulshada,” sidaas waxa CBS u sheegay sarkaal sare oo FBI ka tirsan.

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegtay in aysan si dhaqso leh wax war ah ug helin hay'adda nabad galyada Mareykanka, kadib codsi ku saabsan ka soo warbixinta arrintaasi oo ay u dirtey.

XS
SM
MD
LG