Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burundi oo Ku Hanjabtay Ciidamo La Bixis


Dowladda Burundi, ayaa ku hajnabtay in ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay kala soo bixi doonto Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga dalkaasi Emmanuel Ntahomvukiye oo su’aalo ku saabsan ciidamada nabad ilaalinta Burundi uga jawaabayay xubnaha baarlamaanaka dalkiisa, ayaa sheegay inaysan meesha ka saari karin in ay ciidamadooda la soo baxaan, haddii Midowga Afrika uu ku sii adkeysto in ay si toos ah ciidamada u siin doonaan mushaaraadkooda, halkii loo marsiin lahaa dowladaha ay ka socdaan ciidamada.

Waxa uu yiri:

Ururadan iyo cadowga waddanka waxay rabaan inay muran ka dhex abuuraan ciidamada iyo dalalkooda, iyagoo markaasi sameynaya wax aan lagu fakari karin, inay si toos ah u siiyaan kharashaadkooda. Haddii ay xadkaasi kala qeybinta ee annaga iyo ciidamadeenna ay soo dhaafaan, shaki kuma jiro waxaan dib ugu soo celin doonnaa dalka. Waa innaga kuwa u direy halkaasi. Ma ahan iyaga kuwa direy ama qorey. Marka ay Soomaaliya joogaan oo ay la dagaallamayaan Shabaab, waxay taasi u sameynayaan sharafta qarankeenna.

Wasiirka ayaa sheegay in muddo toban bilood ah aanan ciidamda la siin wax mushaaraad ah.

Dhageyso Burundi oo Ku Hanjabtay inay Ciidamadeeda la baxeyso
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:26 0:00

XS
SM
MD
LG