Isku xirrada

Maalinta Cambaareynta Dilka Wariyeyaasha


Maanta waxey ku beegantahay maalinta caalamiga ah ee loo asteysan in la cambaareeyo, lagana dhiidhiyo dadka dambiyada ka gala wariyeyaasha iyo warbaahinta ee la baxsada.

Maalintan ayey Qaramada Midoobay asteysay sanadkii 2013kii, iyadoo lagu xusayay dil loo geystay laba wariye oo Faransiis ah oo lagu dilay dalka Mali 2dii bishii November.

10 sanadood ee ina dhaafay in ka badan 800 oo wariye ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay dunida sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyagoo ka shaqeynaya sidii ay wararka ugu gudbin lahaayeen dadweynaha.

Waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in 10 kiis ee ka dhan ah dadka warbaahinta ka shaqeeyaa ee dhacay dhowr iyo tabankii sanadood ee la soo dhaafay – kaliya mid ka mid ah dadkii ka dambeeyay sharciga la horkeenay.

Somalia ayaa ka mid ah meelaha dhibaatooyinka loogu geysto, wariyeheenna Jaamac Buule Jaamac ayaa ka wareystay arrintan Wasiirka Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

XS
SM
MD
LG