Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo 5 Qof oo Rayid ah ku Dishey Tiyeeglow


Shabaab
Shabaab

Dadka ku nool magaalada Tiygelow ayaaa sheegay in ugu yaraan shan qof oo rayid ah ay dileen maleeshiyada ururka Al-Shabab oo magaalada qabsaday toddobaakdii hore, kadib markii ay halkaasi iskaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwa Soomaalida.

Dadka la dilay ayaa wararku sheegayaan in lagu eedeeyey inay gacan u fidiyeen ciidamada shisheeye, waxayna tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay magaalada tan iyo bixitaankii cidiamada Itoobiya ka dhigaysaa shan qof.

Ibraahim Xasan Daandurey ayaa arrimahan ka waraystay gudoomiyaha degmada Tiyeglow Moxamed Cabdalla Xasan (Food Cadde) oo haatan ku sugan magaalada Xuddur.

Dhageyso Shabaab oo Dad ku Dishay Tiyeglow
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:56 0:00

XS
SM
MD
LG