Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Howl-gallo Militari oo Ka Dhacay Gedo iyo Afmadow


Hawlgallo milatari ayaa shalay ilaa xalay ka dhacay degaano u dhow magaalooyinka Afmadow iyo Baardhere ee Maamul Goboleedka Jubbaland. Hawlgalladan ayaa dhexmaray ciidamada dawladda oo ay taageerayana kuwo caalami ah iyo maleeshiyada Al-Shabab.

Gaashaanle Cismaan Sheekh Cabdi Qorax waa abaanduulaha guutada sagaalaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay gobolka Gedo, waxa uu sheegey in howl gallo ay ka sameeyeen shalay iyo doraad deegaanno u dhow dhow magaalada Baardheere ay khasaare ku gaarsiiyeen kooxda al-Shabaab.

Jamaal Axmed Cismaan, ayaa gaashaanle Qorax khadka telefoonka ee Garbahaarey kula xiriirey islamarkaasina weydiiyay in uu sharaaxaad ka bixiyo weerarada dhacay.

Dhageyso Ciidanka DS oo weeraray Shabaab
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:40 0:00

XS
SM
MD
LG