Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka reer Ceel-Baraf oo Codsaday in Lala Soo Gaaro Biyo Nadiif ah


Qof ku lugeynaya bartamaha tuulada Ceelbaraf
Qof ku lugeynaya bartamaha tuulada Ceelbaraf

Ciidamada Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya (AMISOM) ayaa Arbacadi ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa aan dowliga aheynba in ay biyo nadiif ah lasoo gaaraan tuulada Ceel-Baraf ee gobolka Shabellaha Dhexe oo ay dhawaan ka xoreeyeen kooxda al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka AMISOM Col. Jean Pierre Hakizimana ayaa u sheegay wariyaasha in ay codsanayaan in deegaanka lala soo gaaro biyo nadiif ah, xilli buu yiri ay ciidanka AMISOM xooga saarayaan sugida amniga iyo furitaanka wadooyin isku xira qeybaha kale ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha deegaanka Ceel-Baraf Muusa Sharwey Gaaboow oo isna la hadlay wariyaasha ayaa ka codsaday Soomaalida qurbajoogta ah ee kasoo jeedda deegaanka Ceel-Baraf in ay gargaar usoo gurmadaan deegaanka.

Ceel-Baraf ayaa ah tuulo istaraatiiji ah oo ku taala gobolka Shabeelaha Dhexe. Waxay 150-km u jirtaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Halkan hoose ka dhegeyso warbixin xaaladda Ceel-Baraf ku saabsan oo uu wariyaha VOA Jacfar Kuukaay ka soo diray halkaasi.

Dhageyso Xaaladda Ceelbaraf
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:50 0:00

XS
SM
MD
LG